Madaxweyne Xasan Sheekh oo golaha wasiirada faray in la joojiyo shirarka muhiimka ah ee dibadda lagu qabto.

Date:

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta guddoomiyey shirka golaha Wasiirada ayaa faray golaha in la joojiyo shirarka dalka dibaddiisa lagu qabto intii laga maarmi karo isla markaana lagu qabto gudaha dalka, isagoo ku booriyey in Sanadkaan uu yahay sanadkii dib u xorreynta iyo waxqabadka.
Madaxweyne Xasan ayaa golaha faray in la hubiyo Mashaariicda hormarineed ee dalka laga fuliyo in ay yihiin kuwo waxtar uleh bulshada Soomaaliyeed.
Shirka golaha wasiirada ayaa maanta lagu ansixiyay hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan galinta dadweynaha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, iyo hindise sharciyeedka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka oo ay soo gudbisay wasaaradda Amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...