Taliyaha Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire oo kormeerey ciidanka.

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa kormeeray Talisyadda Ciidanka Booliska ee Gobolka Bari ee kala ah Qeybta C.I.D, Ciidanka Ilaalada waddooyinka ee Taraafiga, Qeybta Community Booliska, Taliska Hawl-galka Isku-dhafka amniga ee Gobolka Bari, Taliska Ciidanka Ilaalada gaarka ah Booliska ee SPU, Saldhiga Daruuraha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka Booliska oo ku sugnaa goobaha uu booqday wuxuu ku faray dhammaan saraakiisha uu la kulmay dar-dargelinta amniga Diiwaan-gelinta Doorashooyinka, isla markaana taxadar badan laga yeesho dhammaan falalka lidka ku ah amniga xilliga Diiwaan-gelinta.

Dhammaan Kormeerada iyo kulamada uu la qaatay Laamaha amniga ayuu Taliyaha kala hadlay suggida amniga Goobaha Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha ee dhawaan ka dhacaysa Gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa faray Saraakiisha Booliska ee u xil-saaran Amniga
goobaha Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha Gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu inay tixgelin gaar ah siiyaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, isaga oo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan Ciidamada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...