Wasiirka Arimaha Guddaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Agaasime waaxeedyada Wasaaraddaas

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta waxaa uu  xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Aidarus M Hassan  ayaa la xiriiray qiimeynta guud ee waaxaha, shaqada iyo shaqaalaha, isla xisaabtanka, dardargelinta howlaha iyo qorsheyaasha sanadkan 2023-ka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ku adkeeyay agaasimayaasha waaxaha daadajinta iyo tayeynta shaqada, la xisaabtanka shaqaalaha iyo hubinta in howlaha noqdaan kuwa la jaanqaadaya arrimaha hortabinta u leh Wasaaradda iyo guud ahaan Xukuumadda Federaalaka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...