๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ ๐——๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ผ๐—ผ ๐—ž๐— ๐—š ๐—ฎ๐—ต

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Kumeel Gaarka ee Doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11aad.
Mudane Xamse ayaa markuu arkay qodobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo goโ€™aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, uuna saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Markuu sidoo kale arkay Wareegtadii Lr.60 ee Burinta Xeer Madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Raโ€™iisul Wasaaruhu markuu arkay heshiisyadii iyo habraacyadii lagu hirgeliyay doorashooyinka dadban ee Baarlamaanka 11-aad 2021/2022 iyo sidoo kale sharciga buuxinta kursiga ka bannaanaada Golaha Shacabka ee Baarlamaanku ansixiyay 19-kii Abriil 2017.
Wuxuu magacaabay xubnaha Guddiga KMG ee maamulaya doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:
1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame
3. Cabdi Hiis Udan
4. Cabdishakuur Abiib Hayir
5. Cabdullaahi Cabdi Aden
6. Mowliid Mataan Salaad
7. Maxamed Aadan Cismaan Yare
8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed
9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed
Raโ€™iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Guddigan cusub ayaa waxa uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israaโ€™iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israaโ€™iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...

Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tรผrkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii...

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...