Tahriibayaal doonayay inay si la yaab leh ku galaan Spain oo la qabtay

Date:

Koox ka kooban 28 qof ayaa ka baxsaday diyaarad kaddib markii ay si deg deg ah u caga dhigatay garoonka El Prat ee magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Sababta keentay inay diyaaraddu deg deg u caga dhigatay ayaa la sheegay inay ahayd kaddib markii haweeney uur leh oo la socotay duullimaadka oo ahaa Morocco-Turkey ay iska dhigtay inay fool qabatay.

Booliiska ayaa qabtay dadkan baxsaday oo ay ku jirto haweeneyda, waxaana loo maleynayaa inay doonayeen inay si sharci darro ah ku galaan Spain.

Arrin tan la mid ah ayaa sanadkii hore ka dhacday dalkaas.

Kooxda ayaa ka booday diyaaradda isla markii ay furmeen albaabbada.

Haweeneyda ayaa loo qaaday isbitaal iyadoo kaddibna la ogaaday inaysan heyn fool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...