Munaasabadda lagu Daah-furayo Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay lagu qabtay Magaaladas.
Munaasabada daah-furka waxaa kasoo qeyb galay, Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha DGG Mudane Cabdi Waayeel, Wasiirka Wasaarada Waxabarashada Mudane Max,ed Xaashi Dhoore, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Galmudug Mudane Axmed Cali Cantoobo, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganeey, Xildhibaano iyo Agaasimayaal ka tirsan Galmudug, Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin, Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Mudane Cismaan Ciise Taar, Odayaasha Dhaqanka, Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka iyo Marti sharaf kale.
Gudooymiyaha degmada guriceyl faarax Cavdi Moallim ayaa sheegay in dhismaha gollaha deegaanka Guriceyl u soo marnay geedi dheer.