Soomaaliya oo saxiixday baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo goobaha dadweynaha.

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo goobaha dadweynuhu joogaan.

Baaqan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee heer caalami ah ayaa looga golleeyahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka xilliyada colaadaha oo dhibaatooyin badani ka soo gaaraan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa khudbad faahfaahinaysa mawqifka Soomaaliya ee ilaalinta dadka rayidka ah ka jeediyay shirka, wuxuuna caddeeyay wasiirku in dowladda Soomaaliya muhiimadda koobaad siinayso dadkeeda iyadoo xilli adag oo dagaal lagu jiro.
Wasiirka ayaa tusaale usoo qaatay in sharciyada caalamiga ah ee xilliga dagaalka ka hor Soomaalidu lahayd Xeerka Birima-gaydada oo ahaa mid ilaaliya dadka nugul iyo kuwa rayidka ah een dagaalka ku jirin, isagoo caddeeyay in kooxaha xagjirka ahi ku tunteen sharci kasta oo dadka maatada ah ilaalinayay.
Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa shirweynaha ka sheegay in sharcigan caalamiga ahi uusan qabanayn kooxaha Argagixisada oo kelli ah balse sidoo kale uu qabanayo Ciidamada dowladda iyo saaxiibada ajinebiga ah ee nabad ilaalinta iyo tababarka u jooga Soomaaliya oo xilliyada qaar magaalooyinka dhexdooda dabrid ka sameeya.
Soomaaliya iyo 18 wadan oo Afrikan ah ayaa sanadkii 2017 saxiixay baaq kan oo kale ah laakiin ku eg qaaradda Afrika

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...