Soomaaliya oo saxiixday baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo goobaha dadweynaha.

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo goobaha dadweynuhu joogaan.

Baaqan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee heer caalami ah ayaa looga golleeyahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka xilliyada colaadaha oo dhibaatooyin badani ka soo gaaraan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa khudbad faahfaahinaysa mawqifka Soomaaliya ee ilaalinta dadka rayidka ah ka jeediyay shirka, wuxuuna caddeeyay wasiirku in dowladda Soomaaliya muhiimadda koobaad siinayso dadkeeda iyadoo xilli adag oo dagaal lagu jiro.
Wasiirka ayaa tusaale usoo qaatay in sharciyada caalamiga ah ee xilliga dagaalka ka hor Soomaalidu lahayd Xeerka Birima-gaydada oo ahaa mid ilaaliya dadka nugul iyo kuwa rayidka ah een dagaalka ku jirin, isagoo caddeeyay in kooxaha xagjirka ahi ku tunteen sharci kasta oo dadka maatada ah ilaalinayay.
Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa shirweynaha ka sheegay in sharcigan caalamiga ahi uusan qabanayn kooxaha Argagixisada oo kelli ah balse sidoo kale uu qabanayo Ciidamada dowladda iyo saaxiibada ajinebiga ah ee nabad ilaalinta iyo tababarka u jooga Soomaaliya oo xilliyada qaar magaalooyinka dhexdooda dabrid ka sameeya.
Soomaaliya iyo 18 wadan oo Afrikan ah ayaa sanadkii 2017 saxiixay baaq kan oo kale ah laakiin ku eg qaaradda Afrika

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...