Wasir Fiqi oo QM kala Hadlay Taakulaynta Dadka Soomaaliyeed.

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo wasiiru dowlaha mudane Ilyas Ali Hassan ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan gaar ah kula yeeshay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, ee qaabilsan iskuduwista arrimaha gargaarka iyo baniiโ€™aadnimada Mr.Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa xoogga lagu saaray xasillinta, iskudubaridka gargaarkaa, howlaha baniiโ€™aadnimada iyo arrimo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxay hortabinnada xukuumadda, howlaha xasillinta ee dalka gaar ahaan goobaha laga xoreeyey Khawaarijta iyo arrimo kale.
Wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa kale uu ku dheeraaday xaaladda abaaraha, sida ay wasaaradiisa uga goโ€™antahay iskuduwista gargaarka iyo howlaha baniiโ€™aadnimo iyada oo howlaha la xiriira maareynta musiibooyinka loo marayo heyโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA.

Dhankiisa, ku xigeenka xogheyaha guud ee Soomaaliya Mr.Adam Abdelmoula oo isna kulanka ka hadlay ayaa wasiir Fiqi iyo wasaaraddiisa ku ammaanay bahwadaagnimada iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin heyโ€™adaha UN-ka isaga oo intaa raaciyey in ay ka goโ€™antahay ka qaramada midoobey ahaan inay ku shaqeeyaan arrimaha hortabinta u leh xukuumadda sida xasiilinta, gargaarka iyo howlaha baniiโ€™aadnimada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale