Khawaarijta Oo Lagala Wareegay Wabxo.

Date:

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Khawaarijta Al Shabaab kala wareegay deeggaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo muddo 15 sanno ka badan ay shacabka ku dhibaateyn jireen argagixisada.

Gen. Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sido kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof.

Sidoo Kole Wasiirka Gaanshaandhigga XFS abduqaadir Mohamed Nuur Jaamac ayaa Xaqiijiyay Lawareegidda Deegaanka Wabxo Wuxuuna Qoraal oo Bartiisa Facebook Ku Qoray Ku Xusay in Alshabaab isaga Carareen Deegaanada lagala Wareegay.

“Carar badnaa Khawaarijtu, Guulaysta Geyshkayagoow” ayuu Yiri Wasiirku.

Gobolka Galgaduud alshabaab waxaa kaga Furmay Dagaal 3 Jiho ah oo aysan u Babac Dhigi Doonin Awoodda Gulufka Xoogga Dalka iyo Kacdoonka Shacabka Is Abaabulay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa farriin hambalyo ah u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed .

HAMBALYO 12-KA ABRIIL MAALINTA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED Madaxweynaha Dowladda...

Madaxweynaha Dowladda Galmud ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed maalinta aasaaskooda ee 12-ka April.

Madaxweynaha ayaa yiri” Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa...

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...