Raisulwasaare Hamse oo kulan la qaatay dhigiisa Jabuuti

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa galabta kulan kula qaatay Guriga Ummadda, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Kaamil soo dhaweynta walaaltinimo, ayaa xusay sida ay Jabuuti mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ee aan waxba u reebban nolosha shacabka Soomaaliyeed, booqashadanna ay tahay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bulsho iyo dhaqan ee ka dhaxeeya labada waddan.

Mudane Cabdulqaadir Kaamil Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa sheegay in uu ku soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Xamse waddankiisa labaad, isla markaana ay booqashadiisu muujineyso iskaashiga iyo xiriirka sokeeye ee taariikhiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo xubnaha wafdigiis ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, si loo sii dardargeliyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, loogana miro-dhaliyo hiigsiga ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...