Wasiirka Amniga Galmudug oo booqday Furimaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug

Date:

Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Galmudug ee dhawaan xilkasi uu u magacaabay Madaxweyne Qoor-Qoor Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari ayaa maanta booqday Furimaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin duleedka Degmada Wisil.

Wafdiga ayaa booqday Xeryaha Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Deegaanka ee Dagaalka kula jira Maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al shabaab waxaana ay ku bogaadiyeen Ciidamada difaaca shacabka.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa la kulmay Saraakiisha Daraawiishta, kuwa Deegaanka iyo maamulka degmada Wisil waxaana ay ka dhegaysteen baahiyaha ka jira degaanka.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta Al-shabaab ee ku sugan Koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo Galmudug doonayso in gebi ahaanba laga saaro.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa farriin hambalyo ah u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed .

HAMBALYO 12-KA ABRIIL MAALINTA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED Madaxweynaha Dowladda...

Madaxweynaha Dowladda Galmud ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed maalinta aasaaskooda ee 12-ka April.

Madaxweynaha ayaa yiri” Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa...

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...