Faah-faahino ka soo baxaya Qarax uu fuliyey qof naftii haliga katirsan Al-shabaab oo ka dhacay Xerada Tababarka Ciidanka Gen Dhagabadan

Date:

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Naftii halige katirsan Argagixisada arxanka daran ee shabaab oo isku qarxiyey  Xerada Tababarka Ciidanka Gen Dhagabadan Ex Xero Nacnac.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa dhimatay 11 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii qof naftii hallige ah uu isku qarxiyay banaanka Xerada Tababarka Ciidanka Gen Dhagabadan Ex Xero Nacnac.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbahainta qaranka  ayaa xaqiijiyay in qofka is qarxiyay damiciisu ahaa in uu ku dhex dhuunto dhalinyaro loo xareynayay dhiboow si ay ugu soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laakiin uu qarxay inta uusan gaarin bartilmaamedkii uu u socday.

Taliyaha ayaa sheegay in uu socdo baaritaan xooggan si looga hortago dhagarta Khawaarijta Al-shabaab.

 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Al-shabaab ka sifeeyay deegaano muhiim ah oo istiraatijad weyn ugu fadhiyay khawaarijta ayna ka soo maleegi jireen qaraxyada iyo weerarada ay ku beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...