Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomisay shirka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka socda magalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland.
Shirka oo socda maalintiisa sedexaad ayaa waxaa dood-dheer laga yeeshay horumarinta sidii loo dhaqan gelin lahaa shuruucda Golaha Baarlamaanka iyo maareynta ajendayaasha Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJF