Jabuuti oo Daawo & Dhaqaatiir keentay Xamar..

Date:

Dowladda Aanu Walaalaha Nahay Ee Jabuuti oo ka Jawaabaya Baaqii Madaxweynaha Qaranka ayaa Maanta Dalka Keenay Dhaqaatiir iyo Nuucyo Daawo ah oo ay ugu talagaleen Gurmadka Dhaawacyadii Lagu Gummaaday Zoobe2 29kii Bishii Tagtay.

Dhaqaatiirka Hiil walaal ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Kusoo Dhaweeyay Masuuliyiin ka Tirsan Dowlada Dhexe iyagoona kaga Mahad celiyay Doorkooda Gurmadka walaalnimo Xilli siweyn loogu Baahnaa Doorkaas.

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys “Waxaan maanta Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweynay dhakhaatiir iyo deeq daawo ah oo inooga yimid dalka aanu jaarka iyo wallaalaha nahay ee Jamhuriyadda Djibouti .

Wafdiga waxaa horkacayay Wasiirka Waxbarashada ahna Sii- Hayaha Xilka Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyadda Djibouti Mudane Mustafa Maxamed Maxamuud. Xubnaha Guddiga Gurmadka Qaraxii 29 October ee uu magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaana soo dhoweeyay wafdiga”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...