Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan la qaatay Madaxweynaha Jubaland.

Date:

Ku-simaha Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyay xaaladaha guud ee deegaanada Jubaland, gaar ahaan amniga deeganada maamulkaasi gaar ahaan dadkii Ku waxyeeloobay weerarkii argagixinimo Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo, la dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada dadka ay abaartu saameysay.

Ugu dambeyn kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay ka go’naanshaha Jubaland ee ku aadan la dagaalanka kooxda khawaarijta ee Al-Shabaab iyo sidii loo cirib tiri lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo...

Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojiyey Xiriirkooda Diblamaasiyadeed ka dib Wadahadallo ku dhexmaray Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...