(SAWIRRO) Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u Ambabaxay Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS  mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa saaka safar indha indheyn ah  waxaa ay ugu Ambabaxeen Magalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Muaden Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta XFS, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasllinta.

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, qiimeynta buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale kulammo la yeelanayo saraakiisha amniga ee ka socdo ATMAS, SNA, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...