Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xalay Isbitaalka Ciidanka xoogga ku booqday Dhaawacyada Ciidamo dagaal culus kula galay Argagixisada Al-Shabaab degaanka Masjidka Cali Gaduud

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xalay ku booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dhaawacyada Ciidamo Shalay dagaal culus kula galay kooxda Khawaarijta Deegaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay xaalada Caafimaad dhaawacyo horey loogu keenay Gobolka Hiiraan oo ku jira Isbitaalka Digfeer. Waxaa uuna eebe ugu baryay dhamaan dhaawacyada kusoo waxyeeloobay Howlgalada dalka loogu xoreynayo Khawaarijta in uu caafimaad deg deg ah Alle siiyo, Asigoona xusay in ay garab taagan yihiin ciidamada kala gedisan ee Qalabka sida iyo Shacabka Dagaalka kula jira Khawaarijta.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada, isla markaana Ciidanka Qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka loogu xoreyn lahaa Kooxaha Khawaarijta ee banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...