Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo lagu soodhaweeyey Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu soo dhoweeyay Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg waxa uuna la kulmay Boqor Albert Félix Marie Guillaume oo Luxembourg Maamula.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uga mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg isaga iyo wafdigiisa ayaa xusay in la adkeeyo xoojinta xirirka labada dal ee Boqortooyada Luxembourg iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale guddoomiyaha iyo boqorka ayaa ka wada hadlay abaaraha saameeyay dalka islamarkaana dad badan oo isugu jira xoolo dhaqato iyo beeralay ay ku hanti beeleen abaaraha awgeed, ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan tilmaamay sidii ay gacan uga geeysan laheyd Dowladda Luxembourg.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...