Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo lagu soodhaweeyey Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu soo dhoweeyay Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg waxa uuna la kulmay Boqor Albert Félix Marie Guillaume oo Luxembourg Maamula.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uga mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg isaga iyo wafdigiisa ayaa xusay in la adkeeyo xoojinta xirirka labada dal ee Boqortooyada Luxembourg iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale guddoomiyaha iyo boqorka ayaa ka wada hadlay abaaraha saameeyay dalka islamarkaana dad badan oo isugu jira xoolo dhaqato iyo beeralay ay ku hanti beeleen abaaraha awgeed, ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan tilmaamay sidii ay gacan uga geeysan laheyd Dowladda Luxembourg.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...