Duqa Degmada Gaalkacyo oo Maanta Degmadaas ku soodhaweeyey Wafdi Balaaran uu horkacayay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Aduunka

Date:

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo uu Wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka mudug Ahmed Shire Qodaar ayaa Maanta  Degmada Gaalkacyo ku soodhaweeyey Wafdi Balaaran uu horkacayay Madaxa Hay’adda Qaxootiga adduunka (UNHCR) Filippo Grandi.

Wafdigaan ayaa Gaalkacyo u yimid inay ka ogaadaan Xaaladaha dhanka nolosha ah ee ay ku sugan yihiin dadka barakacyaasha ah ee Magaalada Gaalkacyo.

Wafdigaan ayaana soo kormeerey qaar ka mid ah kaamamka barakacyaasha ah ee Magaalada Gaalkacyo oo xiligaan adeg wajahaya Xaaladaha dhanka nolosha ah ee Magaalada Gaalkacyo.

Madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) mudane Filippo Grandi ayaa sheegay in la kordhin doono guryaha xalka waara si dib u dajin iyo gargaarba loogu fidiyo barakacayaasha waxa uuna ballanqaaday in ay kordhin doonaan dhaqaalaha lagula tacaalayo xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...