[SAWIRRO] Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo la kulmay dhigiisa dalka Belgium

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la kulmay dhigiisa dalka Belgium-ka Eliane Tillieux oo ku soo dhaweysay xarunta baarlamaanka dalkaasi ee Magaaladda Brussels.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee dalka Belgium Eliane Tillieux ayaa wafdiga uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabaka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadcelisay inay soo booqdaan xarunta baarlamaanka Belgium iyadoo ballan qaaday in la xoojin doono xiriirka saaxiibtinimadda labada Baarlamaan,sidoo kalena ay iska kaashan doonaan dhanka aqoonta, horumarinta iyo tayada howlwadeenada labada baarlamaan.

 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay dhigiisa dalkaasi Belgium-ka soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyey waxaana uu dhankiisa ballan qaaday wada shaqeyn labada dhinac ah taasoo ku dhisan horumarinta baarlamaanada ladaba dal,aqoon kororsiga xildhibaannadda iyo howlwadeennada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...