Hantidhawraha Guud ee Qaranka oo maanta Villa Hargaysa kulan kula qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya

Date:

Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa maanta Villa Hargaysa kulan kula qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta, Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid ku qotomay isbrasho iyo xog is-waydaarsi ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xiriirka wada-shaqayn ee ka dhexeeya Guddiga Maaliyadda iyo Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo ah hay’ado halbowle u ah dadaallada lagu xoojinayo dawlad wanaagga dalka.

 

Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa intii uu kulanku socday waxa uu Guddiga siiyay warbixin la xiriirta waajibaadyada Dastuuriga ee ee Xafiiska, dib-u-habaynta tayada shaqada iyo shaqaalaha iyo adeegga hantidhawrista ee yoolkiisu yahay ilaalinta hantida dadwaynaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...