Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo duqeeyay Caasimadda Ukraine

Date:

Ugu yaraan shan qarax ayaa laga maqlay caasimadda Ukriane ee Kyiv-xilli la taliyaha madaxweynaha dalkaas uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee nooca “kamizake drones” isla markaana uu adeegsanayay Ruushka.

 

“Waxay muujineysaa arrintani sida ay xaaladda uga quusteen” ayuu yiri Andriy Yermak, oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine.

 

Duqa magaalada Vitalii Klitschko wuxuu sheegay in dhismooyin ku yaalla bartamaha Kyiv ay qaraxyada buburiyeen.

 

Toddobaad ka hor ayay aheyd markiii caasimadda Ukraine uu Ruushka ku garaacay gantaallo taasoo qeyb ka aheyd weerarro kale oo lagu qaaday deegaanno ku yaalla Ukraine oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.

 

Vitalii Klitschko wuxuu intaa ku daray in qaraxyo laga maqlay degmada Shevchenkivskiy halkaas dhowr jeer la duqeeyay toddobaadkii lasoo dhaafay.

 

Duqa magaalada Kyiv wuxuu sheegay in shaqaalaha gurmadka deg deg ah ay gaareen goobaha ay qaraxyada saameeyeen, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay tagaan goobaha gabbaadka ah ee la isaga ilaalinayo duqeymaha.

 

La taliyaha madaxweynaha Ukraine Andriy Yermak ayaa sheegay in Ukraine sida uga dhakhsiyaha badan ay u baahan tahay qalabka lidka diyaaradaha.

 

Weriye ku sugan Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in labo kamid ah diyaaradaha Drones-ka ay gantaallo ku garaaceen xarun shidaal halka mid kamid ah diyaaradahaas lasoo riday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...