Madaxweyne Qoor-qoor oo xarunta Madaxtooyda Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Raysal Wasaarihii hore ee XFS, Maxamed Xuseen Rooble

Date:

Madaxwaynaha Dowladd gobaleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Aqalka Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Raysal Wasaarihii hore ee XFS, Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdigaan ballaaran ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, iyadoona wafdigan ay kamid yihiin madaxwaynihii hore ee Galmudug, mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiiro kamid ah XFS, Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee BFS, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Wafdigaan ayaa soo gaaray magaalada Dhusamareeb kadib martiqaad ay ka heleen madaxwaynaha Dowladda Galmudug, iyadoona ujeedada safarka uu salka ku hayo dhiirogelinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga sifeenayo argagixisada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...