[DAAWO] Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo booqasho ku tagay xarunta hay’adda ka hortaga tijaabada Nuclear-ka ee ku taal dalka Austria

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ku tagay xarunta hay’adda ka hortaga tijaabada Nuclear-ka  oo ah hay’ad uu ansixiyay  sanadkii 1996-kii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay islamarkaana xiligaas ay saxiixeen 186-dal,waxaana xiligaas dalalka aan saxiixin ka mid ahaa afar wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa xarunta hay’adda ku soo dhoweeyay madaxa ugu sarreeya hay’addaas kaas oo warbixin guud ka siiyay shaqada hay’adda iyo sida ay muhiim u tahay inuu dal walba ka mid noqdo.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa boggaadiyey sida ay u socoto shaqada hay’addaas isla markaana waxa uu sheegay in hay’addan muhiim u tahay badbaadada aduunka iyo ka hor taga waxyeelada nuclear-ka isagoo dhinaca kale tilmaamay muhiimada ay leedahay in laga faa’ideysto shaqooyinka muhiimka ah ee ay hay’addaas qabato.

 

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cusmaan (General ciiroow) oo kamid ah wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ka warbixiyay safarka guddoomiyaha uu ku marayo qaar ma mid ah wadamada qaaradda Yurub.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka...

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...