Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo tacsiyadeeyey geeridii ku timid Allah u Naxriistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale

Date:

Muqdisho Oktoobar 09,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u Naxriistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale oo ku geeriyooday dalka Hindiya.”

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Marxuum Daahir Xasan Guutaale uu ahaa muwaadin xiliyo adag usoo shaqeeyay qaranka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaanna ka siiyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...