Maxaas oo 13 sanno kadib maanta ay gaareen wakiilo ka socday hey’adaha la shaqeeya QM

Date:

Wafdi ka socday hey’adaha QM ee ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka iyo gargaarka ayaa maanta gaaray magaaladda Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaana hogaaminayay Xildhibaan Maxamed Buraale iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Karoore, waxaana degmada Maxaas kusoo dhaweeyay maamulka degmada ayada oo kadib kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka magaaladaasi.

 

Ujeedka Wafdigaan ayaa ahaa sidii kormeer ay ugu sameyn lahaayeen nolosha dadka deegaanka iyo sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa xarumaha dowladda ee ku yaala magaaladaas iyo ceelashii biyaha ee dhawaan ay gubeen kooxaha Khawaarijta.

 

Waa Wafdigii ugu horeeyay ee ka socda hey’adaha caalamiga ah iyo saxibada Soomaaliya ee gaarka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kadib markii deeganada ku dhow dhow iyo wadooyinka gala magaaladaasi laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta ah ee Al shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...