Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, oo ka qeyb galay shirka todobaadka Shidaalka Afrika.

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka todobaadka Shidaalka Afrika oo lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay dawlado, shirkado shidaal oo heer qaran iyo heer caalami ah, sahmiyayaal madax-banaan, maalgashadayaal, bulshada G&G, iyo adeeg bixiyayaasha.
Soomaaliya waxay leedahay kayd badan oo shidaal iyo gaas ah oo aan weli laga faa’iidaysan gudaha iyo baddaba. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan ansixisay shuruuc iyo hab-maamuus ka dhex jira hay’adaha la xiriira shidaalka oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Macdanta Shidaalka dowladda federalka.
Iyadoo ay jiraan dhammaan caqabadaha jira, ayaa wasiirka batroolka Soomaaliya wuxuu sheegay inay dowladdu waddo dadaallada ay ku dooneyso in Soomaaliya ay caalamka ugu soo bandhigto Shidaalka iyo Gaaska aan weli laga faa’iideysan.
“Soomaliya waa mid ka mid ah dadlaka africa ee fursaha badan ee dhanka shidaalka ah uu ka jiro maadaama aan wali si dhab ah looga faaidaysan” Ayuu yiri wasiir abdirisaaq
Wasiirka batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray farriintiisa ka qaybgalka toddobaadka saliidda Afrika ee Cape Town- South Africa.
Waxaa isugu yimid wasiirada Shidaalka & Gaaska Afrika iyo in ka badan 400 oo maamulayaasha IOCs si ay uga wada hadlaan horumarinta tamarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Ciidanka Qaranka oo ka hortegay weerar naf la caari ah oo khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga Moqokori

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ka hortegay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY DALKA MASAR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...