Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada

Date:

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada.

Kulankaan waxaa kasoo qaybgalay oo goobjoog u ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada sida; culimadda, aqoonyahannada dhallinyarada, haweenka iyo xirfadlayaasha ayuu Ergeygu uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan mushkiladda abaaraha iyo colka argagexisada.

 

Ergeyga gaarka ah ayaa jaaliyadda magaalada Toronto ku dhiirrageliyey in ay si mug leh uga qayb-qaataan gurmadka abaaraha, isla-markaana aysan ka baaqsan ka qeyb-qaadashada dagaalka lagula jiro kooxaha argagexisada.

 

 

Ugu dambayn, Madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Ergeyga gaarka ah taas oo ku aaddan halganka uu ugu jiro u qareemidda bulshada Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...