Talyaaniga Oo Agab ku Wareejiyay Idaacada Qaranka.

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullahi Xayir Ducaale iyo Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya MaxamedKaafi Sheekh Abuukar ayaa qalab kala duwan oo loogu talagalay horumarinta Idaacadda Qaranka kala wareegay Cutubka ciidamada Talyaaniga ee wadashaqeynta Shacabka (CIMIC).

Cabdullahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa sheegay in deeqdaan qalab ee ka soo gaartay dowladda Talyaaniga inay tahay mid macno wayn u leh Warbaahinta Qaranka.

Taliyaha Cutubka ciidamada Talyaaniga ee Taakuleynta (ITNCC)
Lt.Col. Michele GIACALONE ayaa asana sheegay qalabkaan ay ugu talageen horumarinta Radio Muqdisho, isla markaana la sii xoojin doono wada shaqaynta Warbaahinta Qaranka, Safaaradda iyo hay’adaha kale ee Talyaaniga ee ka shaqeeya wadanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...