Shirka golaha Wasiirrada oo looga hdlay arrimaha amniga iyo Abaaraha

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay arrimaha Amniga dalka, Abaaraha, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan qabsoomay iyo ansixinta heshiiska tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiya.

Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada ka socda dalka ee looga xorreynayo cadowga ka dhageystay Wasaarradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyadoo goluhu boggaadiyey howlgallada ciidanka qaranka ee lagu beegsanayo goobaha ay argagixisadu ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiiska habmaamuuska ee u dhexeeya Xukuumadda JFS iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Turkiya ee ku saabsan tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamada oo ay gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga..

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa shirka Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay howlaha gurmadka abaaraha halka ay marayaan, waxayna mar kale ku celisay baaqii dowladda ee ku aaddanaa in gurmad lala gaaro shacabka la daalaa dhacaya abaaraha inta aysan isku badelin macluul..

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F.S Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha warbixin ka siiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan ku qabsoomay Muqdisho, kaa soo looga hadlay arrimaha mudnaan u leh Qaranka. waxuuna tilmaamay in guul laga gaaray qodobadii looga hadlay shirka intii uu soconayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...