Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo La Kulmay Madaxweynaha Jubaland.

Date:

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kulanka oo looga hadlay gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda argagaxisada Al Shabaab.

Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray xaalada guud ee dalka gaar ahaan abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolada Dalka, waxaa uu Madaxweyne Axmed Madoobe warbixin ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii Dalka loogu xorreyn lahaa Kooxaha xagjirka ah ee dhibaatada ba’an ku haya Ummadda Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad...

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane...