Ciidanka Danab oo U daatay Sildhig Alshabaab Ku Lahaayeen Buq Aqable.

Date:

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa xalay degaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigii ugu weynaa ee argagixisada Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 18 dhagarqabe oo ku sugnaa saldhigga ay beegsadeen ciidanka Danab.
Sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo argagixisada Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buq Aqable oo qiyaastii 90 KM Koofur uga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Degaankaan ayaa kooxda u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ku dhibaatey jireen shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo dhibaato badan kala kulmay dhagarqabayaasha Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...