Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda XFS oo maanta la kulmay danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda H.E Axmed Xasan Aadan ayaa la kulmay danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Larry E. Andrew, iyaga oo ka wadahalay sida ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan karaan horumarinta kalluumeysiga gudaha loogana faa’ideysan karo kheyraadka baddeenna.

 

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sida ay hay’adda gargaarka Maraykanka ee USAIDSomalia dowr ugu yeelan karto in la horumariyo kalluumeysiga gudaha si kor loogu qaado wax soosaarka dalka loona gaaro kobac dhaqaale oo waara.

 

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dalka H.E Maxamed Xasan Aadan ayaa uga mahadceliyey safaaaradda iyo hay’adda USAIDSomalia sida u ay daneynayaan horumarinta iyo maalgalinta kalluumeysiga gudaha isaga oo u sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimad weyn u leedahay iskaashiga dowladaha iyo ha’adaha daneeya Soomaaliya gaar ahaan kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda taasina ay horseedeyso in horumar weyn oo la taaban karo laga sameeyo kalluumeysiga gudaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...