Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda XFS oo maanta la kulmay danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda H.E Axmed Xasan Aadan ayaa la kulmay danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Larry E. Andrew, iyaga oo ka wadahalay sida ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan karaan horumarinta kalluumeysiga gudaha loogana faa’ideysan karo kheyraadka baddeenna.

 

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sida ay hay’adda gargaarka Maraykanka ee USAIDSomalia dowr ugu yeelan karto in la horumariyo kalluumeysiga gudaha si kor loogu qaado wax soosaarka dalka loona gaaro kobac dhaqaale oo waara.

 

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dalka H.E Maxamed Xasan Aadan ayaa uga mahadceliyey safaaaradda iyo hay’adda USAIDSomalia sida u ay daneynayaan horumarinta iyo maalgalinta kalluumeysiga gudaha isaga oo u sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimad weyn u leedahay iskaashiga dowladaha iyo ha’adaha daneeya Soomaaliya gaar ahaan kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda taasina ay horseedeyso in horumar weyn oo la taaban karo laga sameeyo kalluumeysiga gudaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...