Madaxweynaha Qaranka oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Cusub ee Kenya.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhin doona dalkeenna Mudane Thomas Kipkosgei Chepkuto.

Danjire Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taas oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aaddan xoojinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Thomas Kipkosgei Chepkuto u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo Kulamo la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Russia

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo...

Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgalay shirka Suuqa Shaqada Caalamiga ah ee Sacuudiga

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad oo Daah-furay Xarunta Qatar Airways ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...