DAAWO Argagixisada Al shabaab oo Qarax la eegatay Goob gaadiidka dadweynaha ay ka baxaan isla markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah

Date:

Kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab ayaa Qarax la eegtay Goob gaadiidka dadweynaha ay ka baxaan isla markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah gudaha magaaladda Baraawe.

 

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay halka 8 Ruux oo 7 kamid ah Shacab yihiin ay ku dhaawacmeen qarax Miino oo Barqanimadii Maanta ka dhacay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Qaraxa ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu ahaa miino la geliyay Maqaaxi Shaaha laga cabo oo kutaalla Busteejada laga raaco gaadiidka aada dhinaca degaanka Kuunya-barow, waxaana xilliga qaraxa uu dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan.

 

Axmed Abuukar Sabriye Wariyaha warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qasaare kala duwan uu ka dhashay Qaraxaasi balse sida cadowga uu doonayay aysan noqon.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...