Madaxweyne Qoor Qoor oo booqday deegaanka Cadakibir

Date:

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo ay kooxda Argagixisada ah ka jareen isgaarsiinta iyo biyaha, kadib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha isgaarsiinta iyo ceel biyood ay ka waraabayeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Cada Kibir.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageestay gudoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay dadka deegaanka oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga dhiciyaan kooxda Argagixisada oo caadeesatay boobka hantida dadka iyo daadinta dhiiga shacabka, iyadoona iminka ay ku sii dareen in ay ceel biyoodyada miinooyin ku qarxiyaan xilli abaar baahsan ay ka jirto guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo argagixisadu aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn ku ammaanay shacabka iyo culimada deegaanka Cada Kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay argagixisada Al Shabaab iska dulqaaadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...