Madaxweyne Xasan sheekh oo si kulul uga hadlay falkii bahalnimada ahaa ee ay argagixisada arxan-laawayaasha ah ee Al-Shabaab ku xasuuqeen muwaaddiniin Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, 03, 9,2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii bahalnimada ahaa ee ay argagixisada arxan-laawayaasha ah ee Al-Shabaab ku xasuuqeen muwaaddiniin Soomaaliyeed oo nolol-maalmeedkooda caadiga ah watay, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos yimaada Gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo Gobolka Galgaduud ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ficillada gurracan ee argagaxisadu, ee aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka, waddaniyadda iyo dhaqanka suubban, ay tusaale u yihiin cadaawadda ay u qabaan shacabkeenna biri-mageydada ah iyo sida ay caqabadda ugu yihiin guud ahaan horumarka dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in nabad-diidka Al-shabaab aysan Shacabka Soomaaliyeed u oggolayn nolol, nabad, xasillooni, amni iyo hurumar, taas beddelkeedana ay isku dayayaan cabsi-gelinta, daadinta dhiigga muwaaddiniinta, dhaca hantidooda,burburinta ceelasha ay dadka reer miyiga ahi xoolaha ka waraabsadaan iyo xasuuqa dadka rayidka ah.

“Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisada bannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Argagixisada Al-Shabaab, si loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u geysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyey dadaallada naf-hurnimada leh ee ay wadaan Ciidamadeenna geesiyaasha ah iyo Shacabka is abaabulay ee ku nool Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle iyo Gobolka Galgaduud ee Galmudug si ay isaga dulqaadan dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed, isagoona baaq adag u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan si loo ciribtiro kooxaha dhiigyacabka ah ee caadeystay gumaadka iyo dibindaabyada dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...