Madaxweynaha Qaranka oo ka Tacsiyeeyay Geerida Hooyada Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadiis Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq maanta geeriyootay.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyootay hooyo Xasno Cabdulle Isaaq.”

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...