Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare oo Maanta Kulan Dood Wadaag ah oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Agaasimeyaal iyo Bahda Waxbarashada ku qabatay Muqdisho

Date:

Kulanka Bandhigga Warbixinta Kormeerka Qaran Ee Dugsiyada Dalka oo ay ka qeyb galeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo Wasiiro iyo Agaasimeyaal ka kala socday Wasaaradaha Waxbarashada heer Dowlad Goballeed iyo mas’uuliyiinta Bahda iyo Dalladaha iyo wakiilada hay’adaha Waxbarashada Gaarka loo leeyahay ayna soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinra Sare ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Dooddan inta ay socotay ayaa looga hadlay tabashooyin ay soo bandhigeen dadkii ka qeyb galay taasi oo ku saabsan qiimeynta loo baahan yahay in Dugsiyada Dalka si loo hormariyo
Wadashaqeynta & Faa’iidada Kormeerka Waxbarashada Dugsiyada.

Agaasimaha Guud Waxbarashada K.galbeed Fadal C/laahi Mursal iyo
Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Jubaland Axmed Naaji ayaa labadaba ku tilmaamay shirkan mid miro dhal u ah horu socodsiinta taabagalka Hanaanka waxbarashada Dugsiyada dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Maxamed Caabi Xasan iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Nuura Mustaf Guudoow oo furtay kulanka ayaa sheegay in ujeedku yahay tayeynta iyo Qiimeynta Waxbarashada ardayda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...