Wasiirka warfaafinta XFS Daa’uud Aways Jaamac oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee Golaha Sare ee Warfaafinta Jamhuuriyadda Masar

Date:

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aways Jaamac ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee Golaha Sare ee Warfaafinta Jamhuuriyadda Masar Karam Gabar.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee xagga warbaahinta, wadashaqeynta iyo iskaashiga warbaahinta Carabta.

Madaxa Golaha Sare ee Warfaafinta dalka Masar Karam Gabar ayaa Wasiirka si gaar ah ugala hadley wadashaqeyn iyo iskaashi dhow oo dhex mara warbaahinta labada dal.

Waxaa kale oo labada dhinac is tusaaleeyeen muhimadda ay leedahay in warbaahinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay door ka qaataan wacyigelinta bulshada ee dhinacyada amniga, horumarka iyo tiknoloojiyadda.

Dowladda Masar ayaa horaantii 80-aadka gacan ka geysatey taageerada dhismaha Telefishankii Qaranka ee Somalia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...