Ciidanka Xoogga Dalka oo kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaano hoostaga Degaanka Janaale

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-October ee Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Janaale ayaa howlgalo culus oo Argagixisada Al-Shabaab looga  saarayo tuulooyinka Cabananey. Beeraha baay. Siigaale. Malable iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka sameyay.

Ciidamada waxaa ay jab Xooggan gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii ku dhuumaaleysanayay tuulooyinka ay cagta mariyeen, sidoo kale waxaa ay gubeen doon ay Argagixisada u adeegsan-jirtay dhibaateynta shacabka labada dhinac ee wabiga kala daggan oo ay uga kala gudbi jireen.

 

Taliyaha Ururka 84-aad, guutada 14October Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka hogaaminayay waxaa uu warbaahinta  uxaqiijiyay howlgalka intuu socday inay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Nabad-diidka ku Aaseen waddo isku xirta deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale oo ay doonayeen inay shacabka ku gumaadaan.

Geesiyaasha Xoogga Dalka  Soomaaliyeed ayaa goor kasta waxay utaaganyihiin badbaadinta Shacabkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...