Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Dhallinyarada Islaamka

Date:

Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mohamed Abukar Zubeyr ayaa qaabilay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Dhallinyarada Islaamka.

Waxaa kulanka looga wada hadlay sida loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac loogana qeyb qaadan lahaa hurumarinta dhallinyarada iyo kor-u-qaadista wacyigooda.

Kulanka waxaa xoghayaha ku wehliyay Hakeem Cadnaan oo ah La Taliyaha sare ee Ra’iisul Wasaaraha ee Dib u Habeynta iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Masuuliyiinta ururka Iskaashiga oo ka hadlay kulanka ayaa ballanqaaday in ay gacan ka geysan doonaan horumarinta iyo taageerada dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhinacyada tababarada iyo diblomaasiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...