Madaxweyne Dani oo booqday xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Puntland

Date:

Muqdisho: 22 August 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan xafiisyada Wasaaradda isagoo u kuurgalay sida ay shaqadu u socoto, wuxuuna warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Wasaaradda oo la wadaagay shaqada socota iyo tan qorsheysan, doorka Wasaaradda Caafimaadka ee Abaaraha, xaaladda Covid19, iyo sida ay u socdaan adeegyada caafimaad ee kale ee joogtada ah oo loo hayo Bulshada.

Wuxuu ku booriyay Madaxweynuhu masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Shaqada ay hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan. Kormeerka Madaxweynaha ayaa salka ku haya dardargelinta shaqada iyo tayeynta adeega Dowladnimo.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...