Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo shir la qaadatay Maareeyaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah

Date:

Muqdisho, 16,Agoosto,2022:- Wasiirka Gaadiidka Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaa maanta la kulantay Hoggaanka Hay’adda Duulista Rayidka ah ,waxaa kulanka ku weheliyay Wasiir kuxigeenka Sulub Axmed Firin iyo Wasiiru dawlaha Maxamed Cali Cumar iyo Cali Gacal Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawadda Xukuumadda.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa looga hadlay dardar galinta shaqada Shacabka Soomaaliyeed ay u hayso Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

 

Shirka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin iyo Agaasimayaasha waaxyaha waxayna si guud uga warbixiyeen Shaqada u qabsoontay iyo hiigsiga Hay’adda Duulista Rayidka (Somali Civil Aviation Authority – SCAA), waxay sheegeen inay la horumariyay Habka
Maamulka hawadda Soomaaliya dhawaana ay ku rajo wayn yihiin in la gaaro Heerka A oo ah midka ay joogaan dalalka horumaray.

 

Shirka ayaa intii uu socday la isku dhaafsaday aragtiyo kala xariira habka shaqada lagu dardar galin karo, waxaana hoggaan wasaarada ay soo bandhigeen talooyinkooda ku aadan habka saxida shaqada iyo habsami u socodkeeda.

 

Ugu dambayntii Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaaa soo xirtay shirka waxayna masuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka ah ku bogaadisay shaqooyinka ay qaranka u hayaan,waxayna intaas kadib fartay in hawlaha shaqo ee Hay’adda horyaal la dardargaliyo laguna dadaalo sidii loo gaari lahaa hiigsiga Hay’adda ee lagu tayaynayo Maamulka Hawadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...