Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo shir la qaadatay Maareeyaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Hayโ€™adda Duulista Rayidka ah

Date:

Muqdisho, 16,Agoosto,2022:- Wasiirka Gaadiidka Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaa maanta la kulantay Hoggaanka Hayโ€™adda Duulista Rayidka ah ,waxaa kulanka ku weheliyay Wasiir kuxigeenka Sulub Axmed Firin iyo Wasiiru dawlaha Maxamed Cali Cumar iyo Cali Gacal Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawadda Xukuumadda.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa looga hadlay dardar galinta shaqada Shacabka Soomaaliyeed ay u hayso Hayโ€™adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

 

Shirka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay Maareeyaha Hayโ€™adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin iyo Agaasimayaasha waaxyaha waxayna si guud uga warbixiyeen Shaqada u qabsoontay iyo hiigsiga Hayโ€™adda Duulista Rayidka (Somali Civil Aviation Authority – SCAA), waxay sheegeen inay la horumariyay Habka
Maamulka hawadda Soomaaliya dhawaana ay ku rajo wayn yihiin in la gaaro Heerka A oo ah midka ay joogaan dalalka horumaray.

 

Shirka ayaa intii uu socday la isku dhaafsaday aragtiyo kala xariira habka shaqada lagu dardar galin karo, waxaana hoggaan wasaarada ay soo bandhigeen talooyinkooda ku aadan habka saxida shaqada iyo habsami u socodkeeda.

 

Ugu dambayntii Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaaa soo xirtay shirka waxayna masuliyiinta Hayโ€™adda Duulista Rayidka ah ku bogaadisay shaqooyinka ay qaranka u hayaan,waxayna intaas kadib fartay in hawlaha shaqo ee Hayโ€™adda horyaal la dardargaliyo laguna dadaalo sidii loo gaari lahaa hiigsiga Hayโ€™adda ee lagu tayaynayo Maamulka Hawadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...