Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto

Date:

Muqdisho, Ogoosto 16, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto ayaa ugu hambalyeeyey isaga iyo Ku-Xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashooyinka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleystaan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaataan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga heer Gobol.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...