Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Degmada Buulo-burde

Date:

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Buulo Burde halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha ee Magaalada Buulo Burde kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Xubnaha labada gole ee Dowladda, Saraakiisha Hay’addaha Amaanka iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Buulo Burde waxa uu kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa xoojin doona howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...