Markab sarreen ka qaaday dalka Ukraine oo la filayo inuu gaadho dalka Djibouti

Date:

Markab u kiraysan Qaramada Midoobay oo sida illaa 23,000 oo metric ton oo sarreen ah ayaa ka soo ambabaxay dekedda Yuzhne ee dalka Ukraine, isaga oo ku sii jeeda dalka Ethiopia, taasoo ah shixnaddii ugu horraysay ee nooceeda ah ee lagu caawinayo dalalka ay cunto yaraantu ka jirto, oo ka dhoofa dekedaha dalka Ukraine tan iyo bishii February ee sannadkan.

 

Markabkan ayaa la filayaa inuu ku xidho dekedda dalka Djibouti, halkaas oo lagaga dejin doono sarreenka iyo sahayda kale ee uu sido, iyada oo loo wareejin doono dalka Ethiopia, iyada oo la raacayo tilmaamaha hay’adda cuntada dunida ee WFP.

 

Dalalka Ukraine iyo Ruushka ayaa heshiis ku gaadhay dalka Turkiga bishii July 22-keedii, si dib loogu bilaabo in sarreenka, hadhuudhka iyo gallayda laga dhoofiyo dekedaha ku yaalla badda madow, iyaga oo aan carqalad la kulmaynin.

 

Itoobiya ayaa safka hore kaga jirta, shan dal oo ay sheegtay Qaramada Midoobay inay qarka u saaran yihiin inay ka dillaacaan macaluuli.

VOA XIGASHO

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...