Ciidanka Xoogga Dalka oo deegano badan oo katirsan gobalka Hiiraan kala wareegay Argagixisada Al-shabaab

Date:

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka degaanka ee Macawiisleyda ayaa Argagixisada arxanka daran kala wareegay degaananda kala ah Teedaan,Ragso,Xasan Raqay,Sulmo oo dhamantood hoostaga degmada Maxaas ee gobolka hiiraan.

Intii Hawlgalku socday Argagixisadu waxay isku dayeen iskacaabin balse ciidanku waxay mariyeen cagta iyadoo laga dhigay wax la dilay, wax la qabtay, waxa la sii baacsanayo, waxaana ka mida dadka la dilay horjoogihii Argagixisada u qabilsanaa deegaanadaas kaas oo lagu magacabay Maxamed Wehliye Waasuge sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariful Arwaax) Oo Hogaaminaya Hawlgalka ka soconaya gobolka Hiraan.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa waxa uu mahadceliyey Saraakiisha , Askarta naftood hurayaasha ah Ee Ciidamada qalabka sida & bulshada Degaanka oo u horkacayo maamulka gobolka Hiraanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...