Xildhibaano katirsan BFS oo maanta gaaray deegaanka Hees oo kamid ah deegaandii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab

Date:

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale Raaxeeye oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka Hees oo kamid ah deegaandii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Al-shabaab.

Waxaana kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka ee is abaabulay oo dhawaanahaan iyagu qeyb ka ahaa howlgalada, deegano katirsan gobalka hiiraan looga xoreynayay maleeshiyaadka argagexesada ah ee Al-shabaab.

Xildhibaanadda ayaa dhiiri-galinayay ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo isku kaashanaya sidii la isaga dulqaadi lahaa kooxaha nabad diidka ah ee argagaxisada Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...