Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Ahmed Xuseen shire Bukhaari ayaa Xarunta Gobolka Mudug ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR ayna hugaaminaysay Madaxa Cusub( HEAD SUB OFFICE) MONIOUE RUDACOGORA Laguna sagootinayay Madaxii hore Mohamed Shekinweri.

Guddoomiyaha Gobolka mudug mudane Ahmed Xuseen shire Bukhaari oo ay wehliyaan Agaasimayaasha Maamulka Gobolka mudug ayaa kulanka la qaatay wafdigaan ka socday Hay’adda UNHCR.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta mamaulka Gobolka mudug iyo Madaxa Cusub ee taageeridda Bulshada tabaalaysan ee Gobolka Mudug kuwaas oo saameyn ku yeelatay Abaarta Dalka ka jirta.

 

Guddoomiyaha Gobolka mudug mudane Ahmed Xuseen shire Bukhaari ayaa kaga mahad celiyay Madaxa Cusub ( HEAD SUB OFFICE) MONIOUE RUDACOGORA iyo dhamaan shaqaalaha UNHCR isagoona kula dardaarmay inay Maamulka Gobolka mudug ka garab siiyaan Gurmadka loo sameynayo Dadka abaartu ku saamaysay ee Gobolkaan ku nool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...